Wararka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Baarlamaanka Australia

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamaac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan muhiim ah kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Baarlamaanka Australia, Mudane Milton Dick.
Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Baarlamaannada Soomaaliya iyo Australia, is-dhaafsiga khibradaha dhinaca shaqada Baarlamaanka iyo horumarinta diblomaasiyadda Baarlamaaniga ah.
Kulanka, waxaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku wehliyey Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo Bulshada Bariga Afrika, Danjire Ilyees Cali Xasan.



La wadaag



