Gudaha
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan), ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyey howlaha guddiga, qaab-dhismeedkiisa iyo habka uu u shaqeeyo, shuruucda uu gacanta ku hayo, iyo sidoo kale marxaladaha kala duwan ee ay marayaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Guddiga ku bogaadiyey shaqada ay u hayaan Qaranka, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, gaar ahaan la-xisaabtanka hay’adaha dowladda ee ay kormeerka ku leeyihiin, iyo ilaalinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadda guud ee dalka.






