Wararka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan casho sharaf ah u sameeyey xildhibaannada labada Aqal ee deegaan-doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Muqdisho kulan casho sharaf ah ugu sameeyey Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Kulanka oo ahaa mid is-xogwareysi ah, islamarkaana ay ka qeyb galeen Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo sidoo kale ra’isulwasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa looga hadlay xaaladda amniga iyo mida siyaasadeed ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal uga mahadceliyey kasoo qeybgalka kulanka, isagoo sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed uu ugub ku yahay in siyaasi uu khawaariij kaalmeysto, arrintaas oo keeni karta cawaaqib xun haddii aan laga hortagin.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ciidamada nabad-ilaalinta lagula xisaabtamo sababta ay khawaariijtu u joogaan goobihii ay ciidamadu ku sugnaayeen.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la weydiinayo sababta nin ka tirsan khawaariijta, oo dowladda Soomaaliya ay gelisay liiska madow, uu weli ugu sugan yahay dalka Kenya goobo la yaqaan, iyadoo aan tallaabo laga qaadin.







