Wararka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeer ku sameeyay xarunta Golaha oo ay ka socdaan hawlaha rakibidda qalab casri

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa maanta kormeer ku sameeyay xarunta Golaha Shacabka, halkaas oo ay ka socdaan hawlaha rakibidda qalab casri ah oo loogu talagalay danabeynta iyo horumarinta hannaanka maamulka fadhiyada Golaha.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in adeegsiga qalabkan casriga ahi uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hufnaanta shaqada Golaha, maaraynta doodaha, codbixinta iyo habsami-u-socodka fadhiyada.
Casriyeyntan ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo tayada go’aan-qaadashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.</p>
La wadaag



