Gudaha
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Hirshabeelle

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Hoggaamiye ku-xigeenka, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax oo maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa bogaadiyey Xildhibaannada, Guddoonka Golaha Wakiillada , musharraxiintii tartamay iyo shacabka Hirshabeelle oo muujiyey Faham siyaasadeed, xilkasnimo, dulqaad iyo wacyi bulsho intii ay socdeen doorashooyinku, taas oo ka tarjumaysa horumarka geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xaqiijinta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ayaa Alle uga baryey hoggaanka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle inuu ku guuleysto masuuliyadda loo igmaday, Hirshabeellena u horseedo nabad, midnimo iyo horumar.



