Gudaha
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku metela Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Arusha,Muqdisho,(SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaaladda Arusha ee Dalka Tanzania kulan kula qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matala Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika (EALA), waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii xubnaha Soomaaliya metela ay u xoojin lahaayeen wada-shaqaynta EALA iyo Baarlamaanka Soomaaliya, isku-duwidda arrimaha sharci-dejinta iyo dardargelinta ka-qaybgalka Soomaaliya ee geeddi-socodka isdhexgalka Bulshada Bariga Afrika.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada inay si hufan oo sharaf leh u matalaan Soomaaliya, kana shaqeeyaan ilaalinta iyo kor u qaadidda sumcadda dalka, bulshada Soomaaliyeed iyo soo bandhigidda horumarka iyo fursadaha ka jira Soomaaliya.








