calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Hambalyo u diray Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Hambalyo u diray Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Hambalyo u diray Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Xuseen Maxamed Nuur (Dhaqaweyne), Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali Quuri, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Mursal Cabdi Aadan (Haraad), oo loo doortay hoggaaminta Golaha Wakiillada 3-aad ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa guddoonka cusub u rajeeyey inuu Alle ku garab galo gudashada waajibaadka loo igmaday, isaga oo ku boorriyey inay mudnaan siiyaan xoojinta hay’adaha sharci-dejinta, wadajirka bulshada, nabadda iyo horumarka Galmudug.

Sidoo kale, wuxuu adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga goleyaasha sharci-dejinta heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si loo horumariyo dowladnimada iyo danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.

La wadaag