Wararka
Guddoomiyaha BFS oo ka qayb galay shirweynaha midowga Baarlamaannada Adduunka

Arusha-Tanzania-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) oo si rasmi ah uga furmay Magaaladda Arusha ee Dalka Tanzania, waxaana shirka furay Ra’isulwasaaraha wadanka Tanzania Hon. Dr. Mwigulu Lameck Nchemba.
Shirweynaha Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) oo socon doona mudo shan maalmood ah ayaa diiradda lagu saari doonaa hal-ku-dhigga guud ee shirka sanadkan oo ah Horumarinta dowlad-wanaagga, iskaashiga baarlamaannada iyo awood-siinta bulshooyinka, iyadoo loo marayo ka-qaybgal loo dhan yahay, kalsooni iyo fursado loo siman yahay.
La wadaag



