Wararka
Guddoomiyaha BFS “Hay’adaha warbaahinta iyo ra’yulcaamka Soomaaliya iyo Turkiga waa in ay si dhow u wada shaqeeyaan”

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ku baaqay in Hay’adaha warbaahinta iyo ra’yulcaamka labada dal Soomaaliya iyo Turkiga in ay si dhow u wada shaqeeyaan, si looga hortago dacaayadaha loona gaarsiiyo bulshada xog sax ah.
Guddoomiye Jaamac oo ka qaybgalayay furitaanka madal dood wadaag ah oo ku saabsan xiriirka dhinacyada kala duwan ku dhisan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa intaa ku daray in shacabka oo la gaarsiiyo warar xaqiiq deg deg ah oo hufan ay guulo muuqda iyo horumar joogta ah keeni karto, taasi oo ah jawaabta ugu wanaagsan ee marin-habaabinta.
Kulankan doodda ah ayaa imanaya iyadoo ay dhawaanahay soo baxeen kooxo abaabulan oo baraha bulshada ku faafinaya warar iyo warbixinno been abuur ah oo lagu wiiqayo xiriirka walaaltinimo iyo kan istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya dowladaha iyo shucuubta Soomaaliyeed iyo Turkiga.



