Wararka
Guddomiyaha SoDMA oo sheegay in ay Soomaaliya wajahayso xaalado Bini’aadannimo

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in ay Soomaaliya ay weli wajahayso abaaro, fatahaado, barakac, cunto yari iyo saameynta isbeddelka cimilada.
Guddoomiyaha oo Muqdisho ka daahfurayay Mashruuca IMPAACT, oo lagu xoojinayo digniinaha hore, saadaasha khataraha iyo tallaabooyinka hore ee looga hortagayo saameynta musiibooyinka ayaa intaa raaciyay in ay taasi muujinayso baahida loo qabo in laga gudbo ka jawaabista musiibooyinka oo keliya, loona gudbo saadaalinta khataraha iyo qaadista tallaabooyin hore, ka hor inta aysan saameyntu sii xumaan.
Shirka waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday DG ECHO, ICPAC, ACF iyo SCAP, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo bah-wadaagta bani’aadantinimada iyo horumarinta.
Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Waxa uu xusay in Hay’adda SoDMA ay ka go’an tahay hoggaaminta, hagidda iyo isku-duwidda mashruuca, si loo xoojiyo awoodda qaranka, loona hubiyo in xogta khataraha, digniinaha hore iyo saadaasha si wax-ku-ool ah loogu adeegsado ilaalinta bulshada nugul iyo hab-nololeedkooda.


