Wararka
Guddiga doorashada oo ka warbixiyey doorashooyinka Galmudug iyo Hirshabeelle
Doorashooyinkan ahaa ah golayaasha deegaanka iyo baarlamanka dowlad goboleedka oo isku sidkan

Jowhar (SONNA): Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Saadiq Abshir Garaad ayaa bulshada Soomaaliyeed la wadaagay macluumaadka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada ee saaka ka bilowday labadaas dowlad goboleed.
Guddoomiye Saadiq ayaa xusay in Galmudug doorashadu ka dhacday 178-goobood oo ka tirsan 11-degmo, ayna ka codeynayaan 267, 420 qof oo u kala codeynaya12 urur siyaasadeed.
Dhinaca Hirshabeele, Guddoomiye Saadiq ayaa xusay in 103-goobood oo ka tirsan 10-degmo oo Hirshabeelle ah ay saaka doorashadu ka bilaabatay, ayna ka codeynayaan 152,763-codbixiye, kuwaas oo kala dooranaya 14-urur siyaasadeed.
Guddoomiyaha ayaa xusay in goobaha codbixintu ay xirmayaan 6:00pm ee 30-ka September, dadka xilligaas safafka ku jirana ay hawlwadeenada guddiga doorashooyinku u shaqaynayaan, isaga oo intaa ku daray in aysan dhicin wax amniga iyo nidaamka doorashada dhaawacaya dhammaan goobaha codbixinta.
Waxa uu u mahadceliyey laamaha ammaanka iyo cid walba oo hawlaha doorashada saamayn ku leh, isaga oo xusay in isla caawaba la bilaabayo tirinta codadka.



