Gudaha
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan ka yeeshay arrimo muhiim ah

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Guddiga, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha mudnaanta u leh Guddiga iyo xoojinta gudashada waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.
Kulanka oo ay shir-guddoomisay Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa xubnaha Guddigu waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee xuquuqda aadanaha dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa kaalinta Guddiga ee la socodka, ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo helitaanka caddaaladda, ilaalinta dadka nugul, dabagalka cabashooyinka iyo dhacdooyinka la xiriira xuquuqda aadanaha.
Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in Guddigu si wadajir ah, madax-bannaan oo hufan u guto waajibaadkiisa qaran.
Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray hawlihii u qabsoomay Guddiga, halka ay marayaan qorshayaasha shaqo iyo hawlaha la qorsheeyey in la fuliyo muddada dhaw iyo sidoo kale dardargelinta hawlaha mudnaanta leh, dhammaystirka hannaan-hawleedka iyo xeerarka gudaha ee Guddiga, iyo xoojinta wada-shaqaynta Guddiga iyo hey’adaha kale ee dowladda, Bulshada Rayidka iyo hey’adaha caalamiga ah.
Gabagabadii, xubnaha Guddigu waxay isku afgarteen muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loola socdo xaaladda xuquuqda aadanaha dalka, lagana jawaabo arrimaha soo kordha ee u baahan dareenka Guddiga, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida, dhexdhexaadnimada iyo kalsoonida hay’adda.







