Wararka
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka hadlay xaaladda shaqaalaha dowladda

Muqdisho(SONNA);-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan shaqo ku yeeshay xafiiskiisa Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi.
Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda guud ee shaqaalaha rayidka ah ee dowladda. Xubnaha Guddiga ayaa isku raacay in la diyaariyo lana ansixiyo Sharciga Lr. 10 ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Sharciga Lr. 11 ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda.
Guddigu wuxuu xoogga saaray muhiimadda ay leedahay dardargelinta horumarinta iyo tayeynta shaqaalaha dowladda, si loo xoojiyo adeegyada bulshada iyo hannaanka shaqo ee hay’adaha dowladda.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, oo kulanka soo xirtay, ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay sii wadidda dadaallada lagu horumarinayo xaaladda shaqaalaha dowladda.






