Wararka
Guddiga Garsoorka, Caddaaladda, Arrimaha Diinta ee Aqalka Sare oo yeeshay kulankiisii 4-aad

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Garsoorka, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisii 4-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS)
Kulanka oo ay shir guddoomisay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Naciimo Xasan Gadhweyne, ayna ka soo qaybgaleen xubnaha Guddiga, ayaa diiradda lagu saaray dulmar guud iyo falanqayn ku saabsan Hindise xeereedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.
Sidoo kale, xubnaha Guddiga iyo sharci-yaqaannada Golaha ayaa qodob qodob u eegay qodobbada uu ka kooban yahay hindise xeereedka, iyaga oo si faahfaahsan uga dooday nuxurkiisa, isla markaana sameeyay sixid, turxaan-bixin iyo soo jeedinno wax-ka-beddel ah.






