Gudaha
Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka Badda ee Golaha Shacabka oo kormeer shaqo ku tegay xarunta SARIS

Mqudisho,(SONNA):- Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka Badda ee Golaha Shacabka, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xurunta hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaannada Beeraha Soomaaliyeed (SARIS), waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Maareeyaha Guud ee hay’adda Mudane Cabdi Maxamed Xuseen.
Guddigu waxa uu kulan xog-wareysi ah la yeeshay madaxda SARIS, waxaana lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan howlaha baaxadda leh ee hay’addu u hayso qaranka iyo dadaallada ay ku bixiso horumarinta iyo nidaaminta adeegyada beeraha.
Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed, oo ay wehliyaan qaar ka mid ah xubnaha guddiga, ayaa sheegay in ujeeddada kormeerku tahay in ay si dhow ugu kuurgalaan xaaladda iyo howlaha hay’adda, isla markaana ay kala shaqeeyaan gudashada waajibaadkeeda qaran.
Sidoo kale, guddiga ayaa bogaadiyay guulaha iyo horumarka ay gaartay hay’adda SARIS. Dhankiisa, maareeyaha guud ee SARIS, Mudane Cabdi Maxamed Xuseen, ayaa guddiga uga warbixiyay waxyaabihii hey’addu qabsoomay iyo howlaha mudnaanta u leh.
Kulanka waxaa sidoo kale, goobjoog ka ahaa maareeye ku xigeenka hay'adda Mudane Liibaan Cabdi Xasan iyo qaar kamid ah agaasime waaxeedyada SARIS.
Hay’adda SARIS waxay u xilsaaran tahay nidaaminta, kormeerka iyo ilaalinta adeegyada iyo agabka beeraha, gaar ahaan abuurka, bacriminta, fayadhowrka dhirta iyo sumaha beeraha si loo taageero wax-soo-saarka beeraha loona xaqiijiyo helitaanka cunto ammaan ah oo caafimaad leh.









