Wararka
Golaha shacabka iyo xukuumadda oo ka wada shaqaybaya dardargelinta hawlaha Qaranka
Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ayaa xubin ka ahaa 3-dii xukuumadood ee ugu dambeeyey

Muqdisho (SONNA): Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Raโisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Golaha Shacabka iyo Xukuumadda, si waafaqsan Dastuurka, shuruucda dalka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, loona dardargelin lahaa shuruucda mudnaanta u leh howlaha Qaran ee horyaalla Golaha.






