Wararka
Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo Ansixiyay Miisaaniyadda maamulkaas

Baydhabo-(SONNA)-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira maamulka, Amniga, horumarka iyo qorsheyaasha Dowladda.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray Miisaaniyadda Dowladda Koonfur Galbeed iyadoo Golaha Wasiiradu si rasmi ah u ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda, taas oo saldhig u noqon doonta qorsheyaasha horumarineed iyo adeegyada bulshada ee Dowladda.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Madoobe ayaa ku adkeeyey Golaha Wasiirada muhiimadda ay leedahay in Miisaaniyadda loo fuliyo si hufan, daahfuran oo waafaqsan mudnaanta Dowladda, gaar ahaan dhinacyada adeegyada bulshada, amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta hay’adaha Dowladda.
Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amniga, iyadoo Golaha Wasiiradu ay ka hadleen xoojinta amniga, la dagaallanka khawaarijta iyo sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa sido kale waxaa warbixin ku saabsan Qorshaha Isbedelka Hormarinta Koonfur Galbeed 2026/2031 soo bandhigay khubaro ka socday Wasaarada Qorshaynta Dowladda Koonfur Galbeed.



