Gudaha
Golaha Wakiillada Galmudug oo doortay guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa

Galmudug(SONNA):-Xildhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug ayaa guddoomiyaha golaha u doortay Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne), kaas oo helay 79 cod, halka musharraxii la tartamayay, Ismaaciil Cabdi Jaamac, uu helay 8 cod.
Sidoo kale, Cabdulqaadir Axmed Cali ayaa loo doortay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug.
Dhanka kale, Mursal Cabdi Aadan ayaa loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug.







La wadaag



