Wararka
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu, waxaana kulanka looga hadlay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, ee ku dhisan is-ixtiraam, is-aaminaad iyo danaha wadajirka ah ee labada dal iyo labada shacab.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sii xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha sharci-dejinta, iyo ballaarinta iskaashiga labada dowladadood.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Dowladda iyo Shacabka Shiinaha uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo garab istaaga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda marxalidihii kala duwanaa ee ay soo mareen, waxaana sidoo kale Guddoomiyaha iyo Safiirka ay si wadajir ah u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta saaxiibtinimada iyo Iskaashiga labada Dal.






