Wararka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamullada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ee Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta gudashada waajibaadka Guddiga ee dhinacyada sharci-dejinta, korjoogteynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda ee qaabilsan arrimaha gudaha, amniga iyo socdaalka, si loo xoojiyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo dowlad-wanaagga.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ku boorriyey Guddiga inay dardargeliyaan dhammaystirka hindise-sharciyeedyada ay gacanta ku hayaan, si loo horgeeyo Golaha Shacabka, isla markaana ay habka shaqadooda waafajiyaan nidaamka casriyeynta iyo horumarinta hawlaha Golaha ee dhowaan la hirgeliyay.


