Gudaha
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO DOWLADDA IYO SHACABKA TURKIGA UGU HAMBALYEEYEY MAALINTA GUUSHA EE DALKAASI

Muqdisho,(SONNA):Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Dowladda iyo shacabka weynaha dalka aynu saaxiibka iyo walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Türkiye ugu hambalyeeyey munaasabadda 30-ka Agoosto oo ah maalinta guusha ee Türkiye.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa sheegay in Booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Muqdisho sannadkii 2011, ay bog cusub u furtay xiriirka labada dal.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in Tan iyo maalintaas, uu Türkiye door muuqda ka qaatay dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska Soomaaliya ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah, islamarkaana xiriirka labada dal uu maanta gaaray heer iskaashi istiraatiiji ah oo ay sii xoojiyeen heshiisyada difaaca, dhaqaalaha iyo dhinacyada kale ee muhiimka ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in mustaqbalka walaaltinimada Soomaaliya iyo Türkiye, ay noqon doonto tiir muhiim u ah nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga Soomaaliya iyo guud ahaan Bariga Afrika, jiilasha soo socdana ay sii dhaxli doonaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa munaasabadan qiimaha badan awgeed, waxa uu mar kale hambalyo u diray Dowladda iyo shacabka Türkiye, isagoo u rajeeyey nabad, barwaaqo, horumar iyo guulo waara.



