Wararka
GUDDOOMIYAHA BJFS OO LA KULMAY GUDDIGA XEERHOOSAADKA EE GOLAH SHACABKA

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay howlaha uu guddigu u xilsaaran yahay, iyadoo Guddoomiyaha Guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib), uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyey howlaha guddiga, gaar ahaan kulamadii ugu dambeeyey ee guddiga iyo shaqada ay ka wadaan is-waafajinta Xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale Guddoomiyaha guddiga uu faahfaahin ka bixiyey qodobbada mudnaanta u leh guddiga iyo dadaallada lagu xoojinayo is waafaqsanaanta xeerarka iyo habraacyada Golaha Shacabka, si loo helo nidaam shaqo oo hufan, cad oo waafaqsan Dastuurka dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa guddiga ku bogaadiyey dadaalka, juhdiga iyo shaqada muhiimka ah ee uu ka wado gudashada waajibaadka loo igmaday, gaar ahaan dib-u-eegista iyo is-waafajinta Xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Golaha Shacabka uu yeesho xeerhoosaad si buuxda ula jaanqaadaya Dastuurka, isla markaana qeexaya habraacyo cad oo gacan ka geysta hufnaanta shaqada Golaha, dhowrista anshaxa xildhibaanada iyo xoojinta isla xisaabtanka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddiga kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan dadaallada ku aaddan dhammaystirka howlaha horyaalla, isagoo u ballanqaaday guddiga taageerada iyo iskaashiga lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadkooda.





