Wararka
Furitaanka Mashruuca CAPSOM II oo ah mid kaabaya soo celinta qaxootiga oo Nairobi lagu qabtay
Mashruucan ayaa ahmiyad siinaya sare u qaadista xirfadda hawlwadeenada ka shaqaynaya soo celinta qaxootiga

Nairobi (SONNA): Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka qabsoomay kulan lagu daah-furayay mashruuca CAPSOM II, kaas oo diiradda lagu saaray kor u qaadista tayada howl-wadeenada Hay’adda iyo xoojinta hanaanka maamulka dadka dalka lagusoo celinaayo ee Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo ujeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan soocelin kudhisan badqab, iyo sharaf.
Barnaamijkan lagu taagerayo Soomaalida dalka dib loogu soo celinayo iyo sidii Hay’adda looga caawin lahaa tababaridda iyo sare u qaadidda aqoonta howlwadeenada Hay’adda Qaxootiga ayaa waxaa iska kaashana Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA) , Hay’adda Socdaalka Sweden (SMA) iyo Hay’adda Qaran ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed (NCRI) .
Munaasabada lagu daah-furay mashruucan ayaa waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday Hay'adaha dowladda, Ururada bulshada rayidka ah, Midowga Yurub iyo Wakiilada Hay’adaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaas oo ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la dhiso nidaamyo waara oo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya oo ay ugu horeyso u abuuridda fursado shaqo.
Gudoomiyaha Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka mudane Liibaan Cabdi Cigaal oo kahadlay munaasabadda shaacinta mashruuca CAPSOM II, ayaa xusay ahmiyadda kulankan.”Barnaamijkakan waxa uu quseeyaaa sidii hay’adda looga caawi lahaa in tababaro la siiyo howlwadeenadaada Hay’adda, kuwaasi oo sare loogu qaadayo aqoontooda". Ayuu yiri Guddoomiye Liibaan oo hadalkisa ku daray in shaqo abuur loo sameyn doono saddex boqol (300) oo qof oo ah dadki dib dalka loogu soo celiyay.








