calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Duqa Muqdisho oo la kulmay Wakiilka cusub ee UNDP u qaabilsan Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo la kulmay Wakiilka cusub ee UNDP u qaabilsan Soomaaliya
Duqa Muqdisho oo la kulmay Wakiilka cusub ee UNDP u qaabilsan Soomaaliya — SONNA

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan soo-dhoweyn iyo isbarasho ah la qaatay Wakiilka cusub ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo joogteynta taageerada UNDP ay siiso dadweynaha ku dhaqan guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Gobolka Banaadir ee dhinacyada; maamul-wanaagga, arrimaha bulshada, amniga iyo barnaamijyada horumarinta.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wadashaqeynta hay’adda UNDP, si' loo dardargeliyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, maamulka, amniga iyo kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda.

Mudane Christophoros Politis, madaxa UNDP Soomaaliya, ayaa dhankiisa muujiyay sida ay hay'addu uga go’an tahay sii wadidda iyo xoojinta taageerada ay bixiso, iyadoo la iska kaashanayo barnaamijyo horumarineed oo wax-ku-ool ah, islamarkaana wax ka qabanaya baahiyaha bulshada.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

La wadaag