Gudaha
Duqa Muqdisho oo la kulmay Danjiraha Jamhuuriyadda Aljeeriya

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Axadda maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Mohamed Alim, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada caasimadood ee Muqdisho iyo Algiers.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, loona dhisi lahaa barnaamij wax-ku-ool ah, oo labada dhinac ay si wadajir ah uga shaqeyn karaan. Sidoo kale, waxaa si gaar ah la isula eegay fursadaha kor-u-qaadista xirfadaha shaqaalaha, is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta, iyo sidii Caasimadda Muqdisho ay uga faa’iideysan lahayd waayo-aragnimada Aljeeriya.
Intii uu kulanka socday ayuu Safiir Alim waxa uu Guddoomiye Dr. Muungaab u soo gudbiyay casuumaad rasmi ah oo ka timid Guddoomiyaha caasimadda Algiers, Mudane Mohamed Abdenour Rabhi, taas oo lagu martiqaaday Guddoomiyaha inuu booqasho rasmi ah ku tago Aljeeriya.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Safiirka uga mahadceliyay dadaallada uu ku bixinayo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya, isagoo sidoo kale bogaadiyay doorka ay Aljeeriya ee horumarinta iyo soo celinta bilicda Caasimadda Muqdisho.











