Wararka
Dowladda oo u Guureysa Habka Miisaaniyadda ku Saleysan Barnaamijyada Hawleed

Muqdisho,(SONNA):- Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo dhaqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowladda iyadoo lagu saleynayo barnaamijyada hawleed. Habkan miisaaniyadeed wuxuu kharashaadka u kala saaraa noocyada adeegyada, ujeeddooyinka iyo natiijooyinka la doonayo in la gaaro, taas oo qayb ka ah dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Tababarka oo ay bixinayeen khubaro ka socotay Wasaaradda Maaliyadda, waxaa ka qeybgalay xubno ka socday hay’adaha kala duwan ee dowladda, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray habka cusub ee qorsheynta iyo diyaarinta miisaaniyadda, kaas oo xoogga saaraya barnaamijyada iyo hawlaha ay dowladdu qabato, iyadoo laga guurayo nidaamkii hore ee miisaaniyadda ku saleysnaa madax-xigeennada kharashaadka iyo noocyada wax-soo-iibinta agabka iyo adeegyada lagu fuliyo hawlaha sannadlaha ah, sida mushaharka, alaabaha la iibsado, kharashaadka raasamaalka iyo kuwo kale, kaas oo dowladda Soomaaliya ay adeegsaneysay muddo ku dhow 15 sano.
Tababarkan ayaa waxaa si rasmi ah u soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Dr. Suleiman Sheikh Umar, oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda, Axmed Cabdi Aadan (Iraad).




















