calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Dowladda oo faah-faahin ka bixisay howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta

Dowladda oo faah-faahin ka bixisay howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta
Dowladda oo faah-faahin ka bixisay howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal lagu dilay Horjooge Cabdullaahi Xaashi Labajir (Ikhlaas) oo ahaa Madaxa Guud ee Sirdoonka Maleeshiyaadka Khawaarijta, howlgalkaas ayaa ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday horjoogayaal sar-sare iyo maleeshiyadooda oo muddo ay ku raad-joogeen ciidamada qalabka sida.

" Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidamada NISA iyo saaxiibada caalamka 23-Agoosto ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay horjooge Cabdullaahi Xaaji Xirsi labo-jir ( Ikhlaas), kaas oo ahaa madaxa guud ee sirdoonka maleeshiyaadka Khawaarijta, ikhlaas wuxuu ahaa 46-jir ku dhashay Dhuusamareeb, wuxuu Khawaarijta ku biiray 2006-dii, wuxuunna muddadii kooxda ka tirsanaa soo qabtay xilal muhiim ah, intii u dhaxeysay 2009-11-kii, wuxuu madax ka ahaa sirdoonka malewshiyaadka Khawaarijta gobollada Mudug iyo Galguduud, 2011-12, wuxuu madax ka ahaa sirdoonka gobolka Banaadir,".

Muddo 10-sanno oo uu horjooge Ikhlaas mas'uul ka ahaa sirdoonka Khawaarijta, wuxuu door weyn ku lahaa xog-uruurinta iyo isku xirka kooxda, sidoo kale, xogta laga hayo horjoogahan ayaa sheegaya in muddadii uu maamulayay xabsiyada Khawaarijta ay dhaceen xadgudubyo iyo ciqaab loo geystay dad rayid ah oo kooxda u xirneyd.

Howlgallada lagu beegsanayo Khawaraijta oo ay iska kaashadeen ciidanka Hay'adda NISA iyo saaxiibada caalamka ayaa bilihii u dambeeyay lagu dilay horjoogayaal ka kala tirsanaa qeybaha sirdoonka, qaraxyada, maleesjiyaadka Baadda qaabilsan iyo maamulka deegaannada.

Maleeshiyaadka la xaqiijiyay geeridiisa ee shacabka Soomaaliyeed lala wadaagay waxaa ka mid ah Saciid Xuuriye oo ah horjoogihii maleeshiyaadka Khawaarijta u qaabilsanaa soo uruurinta Baadda bariga gobolka Hiiraan ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Tardo, sidoo kale, Xamsa Bakool oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijtu ugu yeeraan Jabhadaha ayaa isna lagu dilay howlgalka Tardo.

Cismaan, horjooge ka tirsanaa waxay Khawaarijtu ugu yeeraan Fursaan, waxaa lagu dilay howlgalka qorsheysan ee ka dhacay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.Horjooge Cabdi Xaafid oo ka tirsanaa qeybta Qaraxyada, waxaa 12-kii Agoosto lagu dilay howlgal ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Taalibaan, horjooge ka tirsanaa qeybta gurmadka ee Khawaarijta gobolka Hiiraan waxaa lagu dilay howlgalka Maxaas. Cumar Xuseen oo ka tirsanaa maleeshiyaadka ay Khawaarijtu ugu yeeraan Jabhadaha waxaa lagu dilay isla howlgal ka dhacay degmada Maxaas, isla howlgalkaas waxaa dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay Mustaf Caato oo ahaa madaxa guud waxa ay Khawaarijtu ugu yaaraah jabhadaha gobolka Hiiraan.

Axmed Cali Jimcaale, horjoogihii Khawaarijta ugu magacownaa degmada Jowhar ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Warciise ee gobolka Shabeellaha dhexe. Geedi Maxamed Nuur Cadde, horjoogihii Khawaarijta ee deegaannada Dumaaye iyo Dabagaallo, waxaa lagu dilay isla howlgalka Wraciise.

Howlgalka dhacay deegaanka Basra, waxaaa fartii luulyo ee sanadkan lagu dilay Horjooge Axmed Caalami Daqare ku magac-dheer, kaas oo ahaa horjooge qaabilsan weerarada loo adeegsado hoobiyeyaasha.

Ugu dambeyn, ciidamada xoogga dalka ayaa iminka deegaannada hareeraha jiinka wabiga ka wada howlgal lagu sifeynayo maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaas oo mararka qaar si dhuumaaleysi ah deegaannadaas ku yimaada.

La wadaag