calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Dowladda oo Digniin ka soo saartay faafinta dacaayadaha argagixisada iyo maleeshiyaadka gacan-saarka la leh

Dowladda oo Digniin ka soo saartay faafinta dacaayadaha argagixisada iyo maleeshiyaadka gacan-saarka la leh
Dowladda oo Digniin ka soo saartay faafinta dacaayadaha argagixisada iyo maleeshiyaadka gacan-saarka la leh — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Iyadoo la tixraacayo Sharciga Saxaafadda, Sharciga La-dagaallanka Argagixisada, Sharciga Wax-ka-beddelka Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada, Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo Xeerarkii hore looga soo saaray ka-hortagga faafinta dacaayadaha argagixisada, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku waxay mar kale digniin adag u diraysaa dhammaan hay’adaha warbaahinta, mareegaha iyo maamulayaasha akoonnada baraha bulshada ee sida ula kac ah uga qaybqaata diyaarinta, faafinta dacaayadaha Argagixisada iyo Maleeshiyaadka la midoobay cadowga Khawaarijta ah ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ma aqbalayso in warbaahinta iyo baraha bulshada loo adeegsado abaabulidda weerarro, dhiirrigelinta ku biirista kooxaha argagixisada ama kicinta rabshado hubaysan oo lagu qalqalgelinayo amniga dalka, laguna barakicinayo shacabka Soomaaliyeed.

Cid kasta oo lagu helo inay si ula kac ah warbaahin ama akoon baraha bulshada ah ugu adeegsatay ka qaybqaadashada ama gacan-siinta falalka dembiyeed ee kor ku xusan, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan.

Qof kasta oo warbaahinta ama baraha bulshada u adeegsada fal dembiyeed, oo ay ku jiraan gacan-siinta, maalgelinta ama dhiirrigelinta falalka argagixisada, waxaa lala tiigsan doonaa shuruucda khuseeya, iyadoo lagu salaynayo caddaynta iyo mas’uuliyadda qofka.

Cid kasta oo caddayn ku filan loo helo inay si ula kac ah taageero maaliyadeed u siisay argagixiso ama ka qaybqaadatay maalgelintooda, waxaa la horkeeni doonaa caddaaladda, si waafaqsan sharciga.

Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa hay’adaha warbaahinta iyo maamulayaasha akoonnada baraha bulshada inay ka waantoobaan falalka kor ku xusan, una hoggaansamaan shuruucda dalka iyo anshaxa saxaafadda.

La wadaag