Wararka
Dowladda Soomaaliya oo ka Qaybgalaysa Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee OIC

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa ka qaybgalaya furitaanka kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Kalfadhigaan ayaa diiradda lagu saarayaa wada hadalka iyo midnimada kaas oo saldhig u ah nabadda, amniga iyo horumar waara, iyadoo ajandayaasha kulanka ay mudnaan gaar ah ku leeyihiin qaddiyadda Falastiin iyo xiisadaha gobolka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Ciraaq ugu hambalyaynaysaa la wareegidda madaxtinnimada Golaha.



La wadaag



