calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Dowladda FS oo Martigelisay Madasha Maalgashiga Ganacsiga iyo Bandhigga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Yugaandha

Dowladda FS oo Martigelisay Madasha Maalgashiga Ganacsiga iyo Bandhigga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Yugaandha
Dowladda FS oo Martigelisay Madasha Maalgashiga Ganacsiga iyo Bandhigga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Yugaandha — SONNA

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay martigelisay Dib u-eegista Muddada Dhexe ah ee Kalfadhigii Labaad ee Guddiga Joogtada ee Wadajirka ah Soomaaliya iyo Uganda (JPC), iyadoo ay barbar socto Madasha Maalgashiga Ganacsiga iyo Bandhigga Wadajirka ah ee labada dal.

Kulanka ayaa waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), waxa uuna socondooaa muddo laba maalmood ah, s waxaa diiradda lagu saari doonaa kulanka inta uu socdo arrimaha amniga, ganacsiga, maalgashiga, dalxiiska iyo shaqaalaha.

Waxaa sidoo kale madasha furitaanka ka qeyb galay Wasiirrada Shaqada ee labada dal ee Soo.aaliya iyo Uganda, Mudane Prof. Saalim Caliyoow Ibroow oo Soomaaliya ka socday iyo Sarreeye Guuto (Hawlgab) Henry Tumukunde oo dowladda Uganda ka socday.

Ujeeddada kulanka ayaa ah in mudnaanta la siiyo danaha ay labada dal wadaagaan isla markaama loo beddelo maalgashi iyo natiijooyin wax ku ool ah oo labada waddanba faa’iido u leh.

La wadaag