Wararka
Doorashada Madaxda Galmudug oo maanta ka dhacaysa Dhuusamareeb
Doorashada Hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta lagu wadaa in ay ka qabsoonto Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gaalgaduud.
89 xildhibaan oo ku sugan hoolka baarlamaanka ayaa saacadaha soo socda bixin doona codad qarsoodi ah oo la filayo in ay ku soo baxaan hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku xigeenkiisa.
4 musharax ayaa u tartamaya xilalka hoggaamiyaha iyo hoggaamiye ku xigeenka ,kuwaas oo haatan ku sugan hoolka baarlamaanka ee Magaalada Dhuusamareeb.
Maalinimadii shalay waxaa xildhibaanada Galmudug ay dhageysteen khudbado ay soo jeediyeen murashaxiinta u tartamaya xilalka dowlad goboleedka Galmudug.
La wadaag

