Wararka
Dhallinyarada Muqdisho oo taageertay dadaallada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee horumarinta caasimadda

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarada caasimadda, taas oo lagu taageerayo dadaallada maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ee ku aaddan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, nidaaminta xaafadaha rasmiga ahayn, iyo qurxinta caasimadda.
Dhame Fartun Xaji Axmed, oo ka tirsan Xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska Qaranka isla markaana ahayd mas'uuliyiintii soo agaasintay munaasabadda, ayaa sheegtay in kullankani uu yahay taageerada bulshada ee dadaallada uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir si loo horumariyo muuqaalka caasimadda.
Dhinaca kale, ka qaybgalayaashu waxay bogaadiyeen doorka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku aaddan sugidda amniga caasimadda iyo taageeradiisa dhaqdhaqaaqa dhismaha iyo dalka
Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ahaa dhalinyaradii halkaas ka hadashay ayaa xusay in la daah-furay wajiga koowaad ee barnaamij dib-u-dejin loogu samaynayo in ka badan kun(1,000) qoys oo waxyeelladu soo gaartay oo dib u deegaamayn loogu sameeyey Waaxda "Xaaji Cabdi" ee degmada Gubadley.
Mashruucan waxaa la socda adeegyo aas-aasi ah oo ay ka mid yihiin biyo, koronto, xarun caafimaad, masaajid, suuq, iyo dugsi dowladeed, iyadoo la qorshaynayo in la ballaariyo.
Duniya Maxamed Cadow, oo ah ku-xigeenka arrimaha siyaasadda ee beesha Gubta, ayaa caddeysay in maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saaray horumarinta nadaafadda iyo adeegyada bulshada ee caasimadda.
Gabagabadii, wakiillada dhalinyarada ayaa ballanqaaday inay garab taagan yihiin hay'adaha dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ay ka qayb qaadanayaan barnaamijyada horumarinta iyo adkaynta amniga.









