calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Ciidanka Xoogga oo howlgal nabad-sugid ah ka fuliyay nawaaxiga Xarardheere

Ciidanka Xoogga oo howlgal nabad-sugid ah ka fuliyay nawaaxiga Xarardheere
Ciidanka Xoogga oo howlgal nabad-sugid ah ka fuliyay nawaaxiga Xarardheere — SONNA

Ciidamo isku dhaf ah oo isugu jiray Xoogga Dalka, Kuwa deegaanka iyo Maamulka Degmada Xarardheere ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay tuulooyinka Jiracle iyo Hareeri Jimcaad oo hoostaga deegaanka Caad ee Degmada Xarardheere.

Howlgalkaan ayaa lagu xaqiijiyay ammaanka tuulooyinkaasi ,iyadoo ciidankasi isku dhafka ah ay ay sifeeyeen goobo ay ku dhuumaaleysanaayeen kooxaha nabad-diidka ah.

Dhaqdhaqaaqa ciidan oo ahaa mid ka dhan ah Khawaarijta waxa uu qeyb ka ahaa dadaal la doonayo in lagu ciribtiro kooxahaasi oo weli ku sugan goobo fara kutiris ah oo dhaca duleedka degmada Xarardheere.

La wadaag