Wararka
Ciidanka Xoogga oo howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanno ka tirsan Shabeellada Hoose

Muqdisho(SONNA);-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutooyinka 27-aad iyo 17-aad ee Ciidanka Dhulka, ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaannada u dhexeeya Sabiid, Caanoole iyo Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.
Intii uu socday howlgalka, ciidanka ayaa ka hortagay dhibaatooyinka ay kooxda Khawaarijta ah isku dayaan inay gaarsiiyaan dadka shacabka ah, gaar ahaan beeraleyda ku nool deegaannadaasi, kuwaas oo kooxdu isku daydo inay si dhuumaaleysi ah baad uga qaaddo.
Sidoo kale, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa baaritaanno miino ka sameeyay waddooyinka isku xira deegaannadaasi, si looga hortago miinooyinka ay Khawaarijtu isku dayaan inay ku waxyeelleeyaan dadka shacabka ah ee isticmaala waddooyinka.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar walba u taagan xaqiijinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ka hortagga kooxda Khawaarijta ah ee khatarta ku ah nolosha iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.



