Gudaha
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Baay

Baydhabo(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen gabaad iyo isku-abaabul. Intii uu howlgalka socday, waxaa ciidamada isku soo dhiibay xubin ka tirsan Khawaarijta.
Howlgalka ayaa waxaa fuliyay Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, waxaana uu ka dhacay deegaanka Yaaq-Doomaar. Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa sidoo kale burburiyay goobihii bartilmaameedka ahaa.
Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd wiiqidda dhaq-dhaqaaqyada Khawaarijta iyo xoojinta amniga deegaannada gobolka Baay.



La wadaag



