Gudaha
Ciidanka XDS oo Baydhabo ku Fashiliyay Weerar Lagu Soo Qaaday Fariisimadooda

Abaare 5:00 subaxnimo, fariisimo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin magaalada Baydhabo waxaa weerar ku soo qaaday maleeshiyaad isugu jira Al-Shabaab iyo kuwa taabacsan Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo weerarka u adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si xirfad iyo geesinimo leh uga hortagay weerarka, iyagoo fashiliyay qorshihii kooxaha weerarka soo qaaday ee ahaa inay qalqal geliyaan amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo.
Intii uu socday iska-horimaadka, Ciidanka XDS ayaa dilay ku dhowaad 30 ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, halka qaar kalena nolol lagu qabtay.
Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo gaadiid ay wateen kooxihii weerarka soo qaaday.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli wada hawlgal lagu xaqiijinayo amniga magaalada, laguna baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah Baydhabo.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonta faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka iyo natiijada hawlgalka marka uu soo gabagaboobo.




