Wararka
Ciidanka Qalabka Sida oo fashiliyay weerar lagu soo qaaday Baydhabo

Baydhabo(SONNA):-Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa saaka jab weyn ka raacsiiyay weerar qaraxyo ku bilowday oo magaalada Baydhabo ay kusoo qaadeen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab iyo kuwa Laftagareen ee isku milmay.
Ciidamada ayaa si geesinimo leh uga hortagay weerarka, iyagoo maleeshiyaadkii soo qaaday gaarsiiyay jab xooggan. Ciidamada Qalabka Sida ayaa si buuxda gacanta ugu haya magaalada, waxayna ku daba jiraan firxadka maleeshiyaadka.
Maleeshiyaadkii argagixisada ahaa ee is-huwanaa ayaa goobta uga cararay meydadkoodii iyo dhaawacyadoodii.
Faahfaahin dheeraad ah dib ayaa laga soo saari doonaa.



La wadaag



