Gudaha
Ciidamada NISA oo howlgal qorsheysan ku khaarijisay horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo 12-kii Agoosto 2026 ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, gaar ahaa guri ay ku sugnaayeen horjoogeyaal sare, ku dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka dhaawac culus lagu gaarsiiyay horjooge sare Mustaf Caato oo ahaa madaxa guud ee waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha Gobolka Hiiraan, iyo laba horjooge oo kale.
Mustaf Caato, oo ka mid ah horjoogeyaasha muhiimka u ah Khawaarijta, ayaa dhaawac halis ah ka soo gaaray howlgalka, waxaana markii dambe laga qaaday degmada Maxaas iyada oo loo gudbiyay degmada Ceelbuur si loogu daweeyo.
Horjoogahan ayaa muddo dheer ku lug lahaa qorsheynta iyo isku-dubbaridka weerarrada argagixisada, isaga oo hore u soo maamulay qeybta qaraxyada iyo naftood-haligayaasha.
Horjoogeyaasha kale ee howlgalka lagu dilay ayaa kala ahaa Cabdi Xaafid, oo ka tirsanaa qeybta qaraxyada; Daalibaan, oo ka tirsanaa qeybta gurmadka Gobolka Hiiraan iyo Cumar Xuseen, oo horjooge u ahaa qeyb ka mid ah waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha. Waxaa sidoo kale dhaawac culus la gaarsiiyay horjooge Maxamed Eeney iyo horjooge Salaad Buur.
Horjooge Mustaf Caato ayaa muddo ka mid ahaa bartilmaameedyada mudnaanta sare u lahaa hay’adaha amniga, isaga oo door horjoogenimo ku lahaa abaabulka iyo dagaallada Khawaarijta.
Howlgalkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda iyo hoggaanka kooxda.<br> Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish la wadaag NISA: 199 | 0770 747474 | 0620 545454.



