Wararka
Bulshada Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka u dareeray goobaha codbixinta
Kumannaan dadweyne ah oo ku kala sugan degmooyinka labada maamul ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa saaka u dareeray goobaha codboxonta ee loogu talagalay in ay ka dhacaan doorashooyinka Galmudug iyo Hirshabeelle.
Doorashada qof iyo codka ah ee ka socota degmooyinka goboladaasi waxaa ka qeybgalaya xisbiyo badan oo u tartamaya hoggaaminta golayaasha deegaanka iyo kan maamul ee Galmudug iyo Hirshabeele.
Dad aad u badan oo ka kala socday qeybaha bulshada ayaa saaka codkooda ka dhiibtay doorashada isku sidkan ee loo qorsheeyay Galmudug iyo Hirshabeelle.
Xaaladda goobaha ay ka dhacayaan codbixinta ayaa aad u dagan,iyadoo si weyn loo adkeeyay amniga guud ahaan degmooyinka goboladaasi.



