Gudaha
Agaasimaha Guud ee waaaaradda xanaannada xoolaha XFS oo la kulmay wakiilka cusub ee Hay'adda IFAD

Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Guuleed Abdijalil, ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka cusub ee hay'adda caalamiga ah ee sanduuqa horumarinta beeraha Soomaaliya (IFAD), Mudane Thoodan Abdulkarim.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo Hay’adda IFAD, gaar ahaan taageerada horumarinta sector-ka xoolaha, maadaama uu yahay laf-dhabarta dhaqaalaha iyo nolol-maalmeedka bulshada Soomaaliyeed.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah looga hadlay xoojinta adeegyada caafimaadka xoolaha, horumarinta wax-soo-saarka xoolaha, maaraynta iyo dib-u-soo-kabashada dhul-daaqsimeedka, helitaanka biyaha dadka iyo xoolaha, iyo sidii loo kordhin lahaa adkeysiga bulshada xoolo-dhaqatada ah ee wajahaysa saameynta abaarta, fatahaadaha iyo isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa silsiladda qiimaha xoolaha (livestock value chain), kobcinta suuqyada iyo ganacsiga xoolaha, taageerada haweenka iyo dhalinyarada ku howlan wax-soo-saarka, iyo kor u qaadista fursadaha dhaqaale ee bulshada reer miyiga ah.
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ayaa sidoo kale adkaysay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo IFAD, si loo helo maalgelin iyo mashaariic waara oo wax ka qabta baahiyaha dhabta ah ee xoolo-dhaqatada, gaar ahaan adeegyada caafimaadka xoolaha, daaqa, biyaha, wax-soo-saarka iyo suuq-geynta.













