Wararka
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara
Aqoon-is-weydaarsiga ayaa ku saabsan iswaafajinta arrimaha amniga, xasilinta iyo xalalka waara, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qaybgalay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan iswaafajinta arrimaha amniga, xasilinta iyo xalalka waara, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa isu keenay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, saaxiibbada caalamka iyo daneeyayaasha muhiimka ah, iyadoo ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga, iswaafajinta mudnaanta qaranka iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta la xiriirta amniga, xasilinta iyo hirgelinta xalal waara oo Soomaaliya ka hanaqaada.



