Wararka
๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐๐ฐ๐๐๐ช๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐๐๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐
Shirka ayaa looga golleeyahay inay ka soo baxaan talooyin kaaba Istiraatiijiyadda Qaran ee warbaahinta

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay qabsoomidda Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum), kaas oo magaalada Muqdisho ka dhici doona 7-da ilaa 8-da bishan.
Hal-ku-dhigga madasha sannadkan ayaa ah โQaabeynta mustaqbalka Warbaahinta ee Xiligaan Casriga " Shaping Somali's Media Future in Digital Era)โ, iyadoo diiradda lagu saari doono horumarinta iyo casriyeynta warbaahinta Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta hayโadaha dowladda iyo warbaahinta, adeegsiga tiknoolajiyadda iyo warbaahinta casriga ah, iyo sidii loo dhisi lahaa istiraatiijiyad warbaahineed oo ka jawaabta baahiyaha iyo isbeddellada mustaqbalka.



