Gudaha
๐๐๐๐๐ข ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐๐๐ ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐ฌ๐ก๐จ ๐ซ๐๐ฌ๐ฆ๐ข ๐๐ก ๐ค๐ฎ ๐ญ๐๐ ๐๐ฒ ๐๐๐ง๐ณ๐๐ง๐ข๐

Muqdisho,(SONNA):- Wafdi ka socda Xafiiska Raโiisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raโiisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa soo gabagabeeyey booqasho saddex maalmood ah oo uu ku tegay Tanzania.
Booqashada ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habaynta adeegyada dowladda, casriyeynta habraacyada Golaha Wasiirrada, dowladnimada dijitaalka ah, shaqo-abuurka iyo xirfadeynta shaqaalaha dowladda.
Wafdiga ayaa kulamo la yeeshay hayโadaha Tanzania, si ay uga bartaan khibradaha dalkaasi ee maamulka waxqabadka, e-Cabinet, adeegyada dijitaalka ah, is-dhaafsiga xogta iyo amniga cyber-ka. Sidoo kale, wuxuu booqday Tanzania Public Service College (TPSC), iyada la isku afgartay diyaarinta Heshiisyo Is-afgarad oo ku saabsan tababarro iyo is-weydaarsiga aqoonta.
Sidoo kale intii ay booqashada ku joogeen dalkaas, waxa ay la kulmeen ganacsatada Soomaaliyeed ee Tanzania, waxaana ay ka wada hadleen fursadaha maalgashi iyo xoojinta xiriirka dhaqaale ee labada dal.













