Wararka
๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐๐๐๐ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐๐ฒ ๐ฑ๐ข๐ฌ๐๐๐-๐ฑ๐ข๐ซ๐ค๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ฌ๐๐๐ง๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐๐๐
Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo manta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira dhaqaalaha, amniga iyo difaaca dalka.
Kulanka Golaha oo uu shir-guddoomiyey Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan amniga dalka , taas oo muujisay isbeddel togan oo laga sameeyay sugidda amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed, kuwaasi oo horumar la taaban karo ka sameeyay goobaha la dagaalka, isla markaana jab xooggan gaarsiiyey Khawaarijta.
Golaha, ayaa warbixin dhamaystiran ka dhagaystay Wasaaradda Maaliyadda XFS, taasi oo ku saabsan Xisaab-xirka sanadeedka 2025, iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, canshuuraha gudaha iyo dib-u-habeynta Maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya. Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in uu kordhay dhaqaalaha dalka boqolkiiba 3.1% gaar ahaan hal-beegga GDP-ga ee lagu qiyaaso dakhliga guud ee dalka soo gala.
Raโiisul Wasaare Xamsa, oo warbixinta kadib golaha hadal kooban u jeediyay ayaa sheegay sida ay muhiim u tahay in dadka Soomaaliyeed ay gaaraan isku filnaansho dhaqaale, ka faaโideysiga wax-soo-saarka dalka, khayraadka kale, kordhinta dakhli-uruurinta gudaha, dhiirrgalinta maalgashiga, xoojiyo daah-furnaanta dhaqaale iyo isla-xisaabtanka, iyo waliba beekhaaminta raasumaalka.
Raโiisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda ku ammaanay qiimeyntii uu ku sameeyay Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud oo markii ugu horreeysay maamulka maaliyadda dowladda siisay qiimeynta lagu magacaabo Aragti Nadiif ah oo ah tan ugu sarreysa oo ka tarjumeysa hufnaan.
Mudane Xamsa, waxa uu xusay in arrimaha dhaqaalaha dalkeennu uu si weyn uga soo kabanayo isla markaana uu gaari doono isku filnaan dhaqaale oo lagaga maarmi doono kaalmo shisheeye, taasi oo tarjumaysa adkeysiga bulshada Soomaliyeed.
