Gudaha
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ข๐ฌ๐ฅ๐ ๐๐ข๐ฌ๐๐๐๐ญ๐๐ง ๐๐ ๐๐๐ฆ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐

Muqdisho,(SONNA):- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la xisaabtan iyo qiimeyn ku sameeyay wasiiradda Xukuumadda Dan Qaran.
Raโiisul Wasaaraha oo la hadlayay wasiiradda ayaa sheegay in la xisaabtankan looga gol leeyahay in lagu qiimeeyo shaqadii qabsoontay sanadkan iyada oo lala eegayo ballanqaadyadii wasiir kasta uu saxiixay, isaga oo xusey in haddii ay soo baxaan caqabado shaqooyinka qaar u qabsoomi waayeen la sixi doono hadafyada iyo bar-hiigsiyada ku qoran jadwalka heshiisyada wasiiradda lala galay.
La xisaabtanka iyo qiimeynta ayaa markii ugu horeysey loo adeegsaday habka dowladnimada danabaysan, iyada oo shaashad weyn laga shiday boqoleyda natiijada kasoo baxday qiimeynta wasaarad kasta, iyo waliba sida wasaaradaha kaalmaha u kala galeen.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa Wasiiradda , Agaasimeyaasha guud iyo hawlwadeenada farsamo ee wasaaradaha kula dardaarmay in ay sii dardargaliyaan hawsha qaranka, kana soo dhalaalaan hawshii loo igmaday, isaga oo xusuusiyay in shacab weynaha xukuumadda ka sugayaan wax qabad badan.
Raโiisul Wasaaraha ayaa yiri โQorshe ayaynu samaysanay, idinka ayaa dajiyay, kadibna waan isla saxiixanay, qorshihii ayaan isla qiimeynaynaa, waxaan eegeynaa caqabadaha jira, fursadaha iyo waxyaabaha aan sixi karno, waxaad ogtiiin in aan markasta sii horimarinayno qiimeynta aan samayno, waxaan hadda maraynaa xillihii hab dijitaan aan u guurnay, kaas oo sahlan, waqti badana aanan nagu qaadanayninโ.




















