Gudaha
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐: ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ ๐ง๐๐ ๐ ๐ ๐จโ๐๐ง ๐ข๐ง ๐ฅ๐๐ฌ๐ข๐ข ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ฒ๐จ ๐จ๐จ ๐ฅ๐ ๐ญ๐๐ฒ๐๐๐ฒ๐จ ๐ก๐๐ฒโ๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐

Muqdisho,(SONNA):- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay dib-u-soo celinta Nidaamka Caalamiga ah ee Tigidhada Diyaaradaha ee IATA-BSP, kaas oo Soomaaliya ay dib u hanatay 35 sano kaddib.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dib usoo celinta nidaamkan ay ka dhalatay dadaal dheer, dib-u-habeyn heyโadeed, diyaarinta xeerar, siyaasado iyo tababbaridda shaqaale awood u leh in ay la wareegaan masuuliyadaha maamulka hawada, isaga oo xusay in ay Soomaaliya horumar ka samaysay dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kobaca dhaqaalaha, deyn-cafinta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo laโ wareegista amniga Qaranka.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in isku-xirka heyโadaha dowladda iyo dib u dhiska awoodaha Qaranka ay laf-dhabar u yihiin soo kabashada Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalkeennu leeyahay fursado maalgashi oo waaweyn oo ay ka mid yihiin dhinaca Gaadiidka, Beeraha iyo wax-soo-saarka kala duwan ee ka jira dalka, maadama uu dalkeennu ku yaalo aag istaraatiiji ah oo isku xiraya dhammaan qaaradaha dunida.
โWaxa aan ugu hambalyaynayaa bulshada Soomaaliyeed tallaabadan weyn ee aynu maanta qaadnay, waxaa naga goโan in lasii horumariyo oo la tayeeyo heyโadaha Qaranka. Waxa aan hubaa in aynu gaari doono dunida horumartay ee aynu dib-uga harnay 30-ka sano. Dowladda Soomaaliyeed waxa ka goโan in dalkeennu uu ku tallaabsado horumar baaxad lehโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Raโiisul Wasaaraha, oo bogaadiyey dadaallada Wasaaradda Gaadiidka, Duulista Hawada iyo Heyโadda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay in la dardargeliyo horumarinta iyo tayeynta garoomada diyaaradaha, maamulka hawada dalka iyo adeegyada duulimaadyada , si kor loogu qaado tayada adeegga ay heelaan shacabka iyo Shirkadaha diyaaradaha, loona xaqiijiyo isku-xirnanta Soomaaliya iyo dunida.
























