Gudaha
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐ ๐ค๐ ๐ฃ๐๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ฐ๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ง๐๐๐๐ข๐ซ

Muqdisho,(SONNA):- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta xarig-jaray Bandhigga Carwada Ganacsiga Banaadir, oo lagu qabtay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Raโiisul Wasaaraha oo kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka kooban tahay Carwada ayaa bogaadiyay gabdhaha Soomaaliyeed ee doorka muuqda ka qaatay Horumarinta Ganacsiga, ka shaqaynta arrimaha bulshada iyo hal-abuurkooda muuqda ee ay ku dhex leeyihiin dalka.
โWaxaan idiinku hambalyeynayaa dadaalka ay la yimaadeen Hablaha Soomaaliyeed iyo hal-abuurkooda iyo sida ay ugu dhiirradeen in ay qabtaan Bandhigga Carwada Ganacsiga Gobolka Banaadir, waxaan ballan-qaadaya in dowladda Soomaaliyeed ay garab u tahay gabdhaha la yimid hal-abuurkanโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.
Mudane Xamsa, ayaa mid mid u dul-istaagay qeybaha ay ka koobantahay Carwada ayaa dhiirrigaliyay dhallinyarada qeybta weyn ka qaatay qabsoomidda bandhiggan waxa uunna tilmaamay in ay Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah u leedahay garab istaagga ganacsatada yaryar ee soo kobcaya.




























