Gudaha
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ช๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐๐จ๐ ๐ก๐๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐ซ๐ญ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐

Muqdisho,(SONNA):- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), Mudane Wamkele Mene, oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in booqashada Xoghayaha Guud ee AfCFTA, ay kusoo beegantay xilli muhiim ah oo Soomaaliya ay qaatay goโaan Qaran oo ay uga mid noqonayso nidaamka Ganacsiga xorta ah, ee Qaaradda Afrika, isaga oo xusay in loo baahanyahay in la dhaqan-galiyo heshiisyada ganacsi ee wax-soo-saarka sarreeya si bulshada Gobolka iyo dadka Soomaaliyeed uga wada faaโideystaan fursadaha uu AfCFTA.
Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ku jirto marxalad cusub oo dhanka dhaqaalaha ah, iyada oo xoogga la saarayo hirgalinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025โ2029, xoojinta heyโadaha dowladda, horumarinta maalgashiga iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha.
Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa la wadaagay wafdiga, fursadaha ka jira dalkeenna oo ay ka mid tahay Xeebta ugu dheer qaaradda, iyo Dekedaha iyo marrinada muhiimka ah ee dalku leeyahay ee istaraatiijiga ah iyo in Dowladda ay mudnaan siinayso kordhinta qiime-darista wax-soo-saarka gudaha, gaar ahaan beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, si badeecooyinka Soomaaliyeed loogu diyaariyo heerarka caalamiga ah.
Mudane Wamkele Mene, ayaa Raโiisul Wasaaraha uga mahadceliyay qaabiladdiisa, ayaa xusay in uu indhihiisa ku arkay horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalku ku tallaabsatay gaar ahaan dhinacyada wax-soo-saarka, xoojinta heyโadaha dowladda iyo qorshayaasha kale ee lagu casriyeynayo Qaranka Soomaaliyeed.









