Wararka
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ช๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐๐๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐

Muqdisho-(SONNA)-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Ferhat Alkan, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee xoogan ee ka dhexeeya labada dal.
Kulanka Raโiisul Wasaaraha iyo Safiirka, ayaa kulankooda diiradda ku saaray muhiimadda ay leedahay adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku dhisam saaxiibtinimo, iskaashi iyo danaha wadajirka ah ee labada shacab iyo in laga wada shaqeeyo horumarinta kaabeyaasha kala duwan ee ay iska kaashadaan labada dowladood.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Safiirka la-wadaagay in dowladda Soomaaliya ay ka goโan tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Turkiga, oo ka mid ah oo ka mid ah saaxiibada muhiimka ah ee ay leedahay Soomaaliya.
Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada buuxda ee ay la garab taganyihiin shacabka Soomaaliyeed, ee dhinacyada dib-u-dhiska, kobcinta dhaqaalaha dalka, amniga iyo tababarada ciidamada iyo dhismahooda.



