Wararka
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐ ๐๐ค๐๐๐๐๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ ๐ ๐๐๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง
Ra'iisal wasaaraha ayaa guddiga ka dhqgeystay warbixin ku aadan hawlaha loo xil-saaray

Muqdisho (SONNA): Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda Qaran ee Hoggaaminta (NLA), kaas oo ka shaqeeya horumarinta arrimaha hoggaaminta Soomaaliya.
Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa maamulka iyo guddigan ka dhagaystay warbixin la xiriirta halka ay marayaan hawlaha NLA , waxayna guddiga soo bandhigeen in la dhammaystiray xarumihii uu ku hawlgali lahaa akadeemiyadd , la dajiyay manhajkiisa, islamarkaasna xarumo iyo jaamacado waaweyn oo caalami ah la gaareen heshiisyo isfaham ah.
Raโiisul Wasaaraha ayaa masโuuliyiinta ku bogaadiyay shaqada baaxadda leh ee ay ka qabteen akadeemiyadda , isaga oo sheegay in uu ku soo aadday markii loogu baahi badnaa:
โWaa in aan helnaa xarumo waxbarasho oo wax-ka-badel dhab ah ku sameeya nolosha dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo sare u qaada wacyiga qofka, badela hab fakarka qaldan, soona saara qof leh tayo hoggaamineed oo danta dalka iyo dadka ku qotantaโ ayuu yiri Raโiisul Wasaaraha oo la hadlayay xubnana uu la kulmay.
Ugu dambayn, waxa uu Raโiisul Wasaaraha XJFS kula dardaarmay xubnaha ka socda Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaran ee (NLA) in ay la yimaadaan fikir wax looga beddelayo hab-dhaqannada bulshada ragaadiyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin musuqmaasuqa iyo qabyaaladda.








